DEG DEG: Dawladda Itoobiya oo beenisay in la dilay Cabdi ILey, kana hadashay Ficilada Guracan.

ADDIS ABABA- September 11, 2018, Dawladda Faderaalka ee Itoobiya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay wararka sheegaya in la garaacay oo la dilay Madaxweynihii hore ee Ismaamulka Soomaalida Cabdi Maxamuud mar oo hadda ku jira gacanta ciidamada Booliska ee dalkaas.

Taliyaha ugu sareeya ciidamada Booliska Faderaalka Itoobiya Jeneraal Zeyinu Jemal ayaa beeniyey wararka sheegaya in la jirdilay, wuxuuna sheegay in aysan jirin sabab kalifaysa in la jirdilo, wuxuu cadeeyey in uu ku eedaysan yahay dambiyo culus oo ay kiiskiisa gacanta ku hayaan laamaha Shaqada ku leh.

Jeneraal Jemal ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin wararka uu maqlay ee laxariira in la dilay, isagoo sheegay in aysan u diidin Isbitaal la geeyo, balse nidaam loo maro Isbitaalka, taas oo ah in Bukaan socoto Xabsiga uu ku jiro ay sheegaan in aysan daweyn Karin.

Mar ay BBC-du weydiisay wararka sheegaya in qoyskiisa loo diiday wuu beeniyey, wuxuuna cadeeyey in ay saacado badan u yimaadaan maalin kasta oo ay la kulmaan, isagoo sheegay in dacaayadda la faafiyey ay tahay mid aan waxba u dhimeyn dacwada socota.

Share this post

Post Comment